Faah Faahin: Qarax ka dhacay Baladweyn & Khaasaraha ka dhashay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax xooggan oo maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay meel u dhow Saldhiga Booliska Magalada Baladweyne,isla markanaa jugtiisa inta badan laga maqlay Magalada Baladweyne.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa miino Jawaan lagu soo qariyay oo la dhigay agagaarka Saldhiga,sidaasina uu ku qarxay,waxaana dad ku sugan Baladweyne ay sheegeen in laba ruux ay ku dhaawacmeen qaraxaas.

Ciidamada Booliska Baladweyne ayaa xiray Wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Saldhiga Baladweyne ee uu qaraxa ka dhacay.