AKHRISO: Isbedel lagu sameeyay Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Sh/Dhexe

Wasiirka arrimaha gudaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa isbedel ku sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle ayaa waxaa isbedel lagu sameeyay Guddoomiye ku xigeenada Gobolka,waxaana sidoo kale uu Magacaabay Xoghayaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe.