Xildhibaanada Mucaaradka oo war culus ka soo saaray qoraalkii Nicholis Haysom

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Mucaaradka iyo Siyaasiyiin ayaa soo dhaweeyay Qoraal kasoo baxay Wakiilka Qaramada Midoobay ee dalka Laga Eryay Nikolas Haysom ee ku aadanaa in wasiirka Amniga Soomaaliya uu keeno cadeymo muujinayo qaabka loo maray Xarigii Roobow iyo rabashadihii ka dhacay Magaaladda Baydhabo.

Sidoo kale Xildhibaanadda iyo Siyaasiyiinta ayaa ka dalbaday Dowladda Mareykanka in ay cadeyso sida ay u aragto habdhaqanka dowlada federaalka Soomaaliya uu hogaamniyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).