Xildhibaan Odawaa oo soo bandhigay qodobada uu hordhigay madaxweyne Xaaf

Xildhibaan C/raxmaan Odowaa oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto deegannada Galmudug ayaa isaga oo la hadlay warbaahinta, waxa uu ka warbixiyey kulan uu shalay degmada Dhuusamareeb kula qaatay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in waxyaabaha ay ka wadahadleen madaxweyne Xaaf ka mid tahay arrimaha ku aaddan midnimada Galmudug.

Sidii loo fulin lahaa ballamadii horey looga qaaday shacabka Cadaado iyo arrimo kale oo aad u muhiim ah.

Xildhibaan Odawaa ayaa howlo mashaariic fulin ah u tagay deegaanada Galmudug oo deegaan doorashadiisa ay tahay,wuxuuna soo furay mashruuc ceelbiyood ah oo uu ka fuliyay duleedka degmada Cadaado.