Muxuu Wasiir Goodax Bare ka yiri dagaal beeleedyada Gobolka Hiiraan?

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, C/laahi Goodax Barre ayaa nabad ugu baaqay beelaha xilligan ku dagaallamaya deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan.

Waxa uu wasiirka sheegay iney ka xun yihiin dagaalladan, islamarkaana aan loo dulqaadan doonin iney sii socdaan.

Waxgaradka gobolka Hiiraan ayuu sheegay in looga baahan yahay iney kaalintooda ka qaataan daminta colaaddaasi.

Dowladda Federaalka ayaa guddi u saartay joojinta dagaalkaasi,waxaana dhanka kale socda dadaalo ay wadaan waxgaradka Gobolka Hiiraan oo ku aadan in nabad kala dhex dhigo Beelaha dagaalamaya.