Sidee musharaxiinta Puntland uga hadleen xildhibaanada cusub ee la shaaciyay?

Xildhibaanada cusub ee maamulka Puntland ayaa lagu dhowaaqay iyadoo ay si weyn kaga hadleen musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Maamulka Puntland.

Xubno ka tirsan Musharaxiinta Maamulka Puntland ayaa durba soo dhoweeyay mudanayaasha cuusb ee Baarlamaanka Puntand ee lagu dhawaaqay.

Kadib kulan ay yeesheen qaar ka mid ah Musharixiinta ayaa waxa ay hambalyo u direen musharixiinta,iyaga oo sheegay inay ka rajeynayaan u Shaqeynta dadka ay matalaan.

Musharixiinta soo dhaweeyay Xildhibaanada Cusub ayaa waxaa ka mid ah Faarax Cali Shire,Khaliif Ciise Mudan,Siciid Cabdullaahi Deni, Cali Xaaji Warsame iyo Cali Cabdi Awaare.

8-da Bishaan oo maalmo kaliya inaga xigaan ayaa la filayaa inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo ay u taagan yihiin musharixiin farabadan.