ONLF oo ku dhawaaqday Xisbi siyaasadeed ay kaga qeyb galeyso doorashada deegaanka

Jabhada xureynta Soomaali Galbeed ee markii magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaano ONLF ayaa maanta magaalada Jigjiga ee xarunta u ah is-maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya kaga dhawaaqay xisbi syasaadeed.

Cabadiraxmaan Maxamed Shiikh Mahdi waa xoghayaha ONF waxa uu shir jaraa’id uu maanta qabtay ka sheegay in ONLF ay markii horeba xisbi syaasadeed aheyd hadana ay dib jabhada ugu dhigeyn xisbi ka qeyb qaata doorashada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

“Dgaal baa nagula qaaday dalka waa nagala saaray hadase wax waliba way is badaleen oo dalka waan kusoo laabanay waxaana isla garanay in aan ka wada shaqeyno hormarka dowlad deegaanka, waxaana noqonay xisbi siyaaadeed, waxaana ka qeyb geli doonaa doorashada ina soo aadan” ayuu sheegay xoghayaha ONF Cabadiraxmaan Maxamed Shiikh Mahdi.

Sida uu R/wasaare Abiy Axmed ula wareegay talada dalkaasi Itoobiya waxaa wanaganaaday cilaaqaadka ONF iyo Itoobiya, oo dagaal fool ka fool ah uu ka dhaxeeyay.