Maxaa xilka looga qaaday Afhayeenka amniga Maamulka Jubbaland?

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur Janan ayaa xalay xilkii waxaa looga qaaday Afhayeenkii Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Siciid Joogsade,iyadoona mid cusub lagu magacaabay.

Afhayeenkii Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Siciid Joogsade ayaa ka soo horjeestay xilka qaadistaas,waxa uuna sheegay in aan lagu wargelin,isla markaana uu ku arkay Baraha Bulshada.

Siciid Joogsade oo la hadlay Waraahinta ayaa waxaa uu u sheegay in xilka qaadista lagu sameeyay uu ka arkay baraha bulshada,isla markaana  aan lagu wargelin in xilkii laga qaaday.

Sidoo kale Siciid Joogsade ayaa tilmaamay in xilka qaadistaas inay tahay mid sharcidaro ah,

Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur Janan oo ah  Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa xalay Xafiiskiisa wareegto kasoo baxday waxaa xilkii looga qaaday Siciid Joogsade oo ahaa Afhayeenkii Wasaaradda amniga Jubbaland, iyada oo Afhayeen Cusub loogu Magacaabay Cabdinuur Ibraahim Xuseen.

Lama oga sababta xilka looga qaaday Afhayeenkii Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Siciid Joogsade, oo dhowr bil ka hor xilkaas loo Magacaabay.