Maxaa ka cusub Qarax Ciidamada DF lagula eegtay duleedka Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho lagula eegtay Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada qaraxa lala eegtay ay ku baxeyn oo ay baadi goobayeen, rag madaafiic kusoo tuuray qeybo kamid ah deegaanka Garas Baalleey oo xogtooda ay heleyn.

Ilaa iyo Saddex askari ayaa dhaawacyo fudud uu kasoo gaaray qaraxaasi qabsaday gaari Cabdi Biile ah oo ay wateyn Ciidamada, sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Raga madaafiicda ku tuuray deegaankaasi ayaa waxaa la sheegay in ay wateyn gaari nuuca raaxada ah oo Surf loo yaqaano waxaana u suuurta gashay in ay baxsadaan.

Isla maanta waxaa madaafiic lagu soo tuuray agagaarka Xirada Xalane ee degmada Wadajir.