FIIRSO SAWIRADA: 7-Madfac oo lala helay Xerada Xalane & Shabaab oo ka hadlay

Waxaa ay maanta hoobiyeyaal ku dhaceen xarunta Xalane ee saldhigga UNka halkaas oo ay ka dhasheen burbur hanti, waxaa kale oo lagu waramayaa dhaawacyo inay jiraan.

Ururka Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarka Madaafiicda ayaa sheegay iney weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhiga ugu weyn Ciidamada Shisheeye ee Xalane.

Sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa Idaacadda Andulus oo Afka Shabaab ku hadasha u sheegay in 7 gantaal lagu dhuftay Xerada Islamarkaana ay dhamaantood  ku dhaceen gudaha Xerada Xalane.