DEG DEG: Dowladda Federaalka oo dalka ka Ceyrisay Wakiilka QM ee Soomaaliya

War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholos Haysom ayaa lagu wargeliyay inaan laga rabin dalka kana sii shaqeyn karin.

Go’aankan ayuu wuxuu salka ku hayaa ka dib markii uu si cad u jabiyay hab maamuuskii iyo dhaqankii ku haboonaa xafiiska Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,si bareer ahna u fara geliyay madax banaanida dalka.