Askari ka tirsan Dowladda oo darawal Mooto Bajaaj ku dilay Muqdisho

Wararka aan ka heleyno duledka Magalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in mid ka mid ah Darawalada Mooto Bajaajka ka Shaqeeya halkaasi uu ku dilay askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dilka Bajaajlaha ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Isbtaalka Macaane ee deegaanka Garas-baaleey duleedka Magalada Muqdisho,waxaana la sheegay in dilka uu yimid kadib markii askariga uu ka codsaday Bajaajlaha in uu qaado,hayeeshee uu ka diiday,ka dibna uu rasaas ku furay.

Goob jooge ku sugnaa goobta uu ka dhacay ayaa sheegay in askarigii dilka geystay uu goobta ka baxsaday,isla markaana Meydka Darawalka Mooto Bajaajlaha uu weli goobta yaallo.

Darawalka Mooto Bajaajlaha ee la dilay ayaa Goobjoogaha waxa uu Magaciisa ku sheegay in loo yaqaanay Carab,hayeeshee weli goobtii lagu dilay Meydkiisa uu yaalla oo aysan imaan eheladiisa.

Dilkan ayaa kusoo aadaya xilli shalay Xaafada Faanoole ee degmada Kaaraan askari ka tirsan Ciidamada dowladda uu ku dilay Darawal Mooto Bajaajle,kadibna ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ay dileen askarigii dilka geystay.