Wasiirka Cadaalada XFS iyo safiirka Turkiga oo ka wada hadlay arrimo muhiim ah+(SAWIRRO)

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Wasiirka Cadaaladda XFS ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira hormarinta Hay’adaha cadaalada Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo safiirku halkaa u tagay si uu wax badan uga ogaado.

Wasiirka oo ay wehliyaan mas,uuliyiin kale oo wasaaradda ka tirsan ayaa markii uu xafiiska ku soo dhaweeyay safiirka waxaa uu tusay oo uu uga sheekeeyay maab muujinaya howlaha shaqo ee wasaaradda sidoo kale waxaa ay mas,uuliyiintu kormeereen xafiisyada shaqada ee wasaaradda oo markaas ay ka socdeen howlaha shaqo ee bulshada loo hayo.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa waxaa ay isla soo qaadeen intii uu socday kulankoodu sii xoojinta iskaashiga labada dal iyo sidii dowladda aan walaalaha nahay ee Turkigu wasaaradda uga gacan sii lahayd sare u qaadista hormarinta hay’adaha cadaaladda dalka iyo adeega garsoor ee bulshada Soomaaliyeed u baahan tahay.

“Waxaan ka wada hadalnay labada dal xiriirka wanaagsan ee ay leeyihiin qaas ahaan waxaan uga wada hadalnay bahda cadaaladda waxaan isku af garanay in la xoojiyo bahda cadaaladda iyaguna waxii ay ka qayb qaadan karaan ay nagu gacan siiyaan waxaan uga warbixinay in bahda cadaaladu meel wanaagsan mareyso dib u eegista sharuucda badankoodu ay socdaan maxkamadahana lagu sameeyay dib -u eegisĀ  waxaa ay aad iyo aad u daneynayeen in garsoorka Soomaaliya uu meel fiican marayo anaguna waan u sheegnay” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji.

Mehmet Yilmaz Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya ayaa wasiirka u balan qaaday in dowladiisu ay sii xoojin doonto taageerada dhinacyada badan ee ay siiso dhanka garsoorkuna uu noqon doono mid ay muhiimad weyn siiso waxaana kulankoodu uu ku dhamaaday jawi qurxoon.