Sarkaal caan ahaa oo Muqdisho lagu qaarijiyay

Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Horseed ee degmada Waabari ayaa waxa ay sheegayaan in Koox hubeysan ay halkaasi saakay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamed Culusow,wuxuuna mudo ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka.

Koox dhalinyaro ah ayaa toogtay , kadibna waxaa la sheegay in ay ka baxsadeen goobta ay dilka ka geysteen.

Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka waddaan howlgallo.