XOG: Agaasime Koofi oo xilka laga qaadayo & shaqsiga lagu bedelayo oo la ogaaday

Warar aan ka helay xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa sheegaya in Taliye ku-xigeenkii hore ee Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Gaashaanle sare Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac lagu wado in loo magacaabo Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa hadda waxaa hoggaankeeda haya Gaashaanle Dhexe Maxamed Aadam Jimcaale ‘Koofi” oo isaga lagu ammaano inuu isbedel la taaban karo ka sameeyay mudada uu xafiiska joogo.

Illo xog ogaal ah ayaa inoo sheegay in heshiiskii laga gaaray Khilaafkii Xukuumadda iyo Baarlamanaka dhexmaray iney qeyb ka ahayd balan qaad Guddoomiyaha loo sameeyay oo ah in loo ogolaaday in Hoggaanka Hay’adda Socdaalka loo magacaabo Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo hadda la-taliye sare u ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Lama oga waqtiga sida rasmiga ah xilkaasi loogu magacaabayo,balse warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaaraha Soomaaiya iyo wasiirka amniga hadda uu wada hadal u socdo ka dibna wixii ka soo baxaya lagu dhaqaaqayo maalmaha soo socda.

Gaashaanle sare Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa horay isaga iyo Abdalla Maxamed Abdalla oo ahaa ku-xigeenka taliyaha Hay’adda NISA waxaa shaqo joojin ugu sameeyay Taliyihii  Hay’adda NISA ee xilligasi Xuseen Cismaan Xuseen taariikhda markey ahayd 16/7/2017.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarka ayaa Gaashaanle dhexe Maxamed Aadam Jimcaale Koofi,Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya  u maacaabay bishii July 26,sanadkii 2016-dii.

Koofi ayaa horay u soo qabtay Taliyaha Nabad sugida Gobolka Banaadir.