Weerar gaadmo ah oo lagu dilay guddoomiye ku-xigeen iyo ilaaladiisa

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa waxaay tibaaxayaan in koox hubyesan oo aan heybtooda la garaneyn ay dileen gudoomiye ku xigeenkii degmada Matabaan.

Faarax Nuur Guure (Faarax Dheere) iyo Saddex kamid ah ilaaladiisa ayaa ku geeriyooday weerarka jid galka ah ee lagu qaaday xili uu kasoo socday Maxaas kuna sii jeeday Magaalada Balad Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dableyda weerartay gudoomiye ku xigeenkii Matabaan Faarax Dheere ay hori usii qaateyn hubka iyo gaariga uu watay.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaasi lagu dilay gudoomiye ku xigeenkii Matabaan iyo ilaaladiisa.