Wasaaradda Maaliyadda XFS oo lagu tuhmayo labo xisaab xir oo qal qal gelin kara…

Xildhibaan Guuleed Caydaruus Cige oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa si weyn u dhaliilay hanaanka Miisaaniyadda ee Wasaaradda Maaliyadda dowladda oo uu sheegay in uu ku jiro deg deg badan.

Waxaa uu ka digay maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ansixiyaan Miisaaniyadda dowladda ee 2019-ka, Maadaama uu sheegay in aan la xirin Miisaaniyaddii labaddii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa uu ka digay in shaki lagu abuuro Shacabka Soomaaliyeed ee laga qaado dhaqaallaha , Maadaama waxaste ay ku socdaan si aan waafaqsaneyn Sharciga dowladda dhexe ee Soomaaliya.

”Wasaaradda Maaliyadda labo xisaab xir ayaa ku maqan kan sideen ku ansixinaa arrintaas shacabka ayay shaki gelinaysaa anakana qayru masuulo ayan noqonaynaa” ayuu yiri Xildhibaanka.

Waxaa uu si weyn u dhaliilay sidoo kale Qoondada dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ugu tala gashay maamul goboleedyadda qaar oo uu sheegay in ay tahay mid la doonaayo in siyaabo kale loo isticmaalo.