Maxaa maanta laga filan karaa kulanka xildhibaanada Golaha shacabka?

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS ayaa maanta oo ah Axad kulan ku leh xarunta golaha shacabka,kaasi oo intiisa badan looga hadlayo arrimaha miisaaniyadda sanadka 2019-ka.

Ajendaha kulanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ah u codeynta Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka.

Sidoo kale ajendayaasha Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa kamid ah u codeynta Xeerhoosaadka Golaha iyo Akhrinta 3aad Hindi Sharciyeedka Naafada Ciidamada.

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa shalay ka dooday Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka,iyadoo Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu xildhibaanada u faah faahiyay qodobada qaar oo warbixin miisaaniyadeedka ku xusnaa.