Madaxweyne Xaaf” Faragalinta DF nagu heyso awgeed waxaan ka baqeynaa in sidii Mukhtaar Rooboow qoorta nala so qabto,”

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo ka hadlayay wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya u dirtay deegaanada Galmudug ee dagaal beeleedyada ka jiraan ayaa sheegay in Dowladda Federaaka carqaladeyneyso jiritaanka Maamulka Galmudug.

Wuxuu sheegay in mudada 19-ka bilood ee uu xilka haayo Dowladda Federaalka Soomaaliya ku heyso dagaalka joogta ah,islamarkaana loo aqoonsan la’yahay madaxweynaha sharciga ee Galmudug.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sidoo kale tilmaamay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalka ay ka jirteen dhaqaalihii ay siin jireen Maamulka Galmudug,islamarkaana ay ka hor istaageen kaalmadii beesha caalamka.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in hadda ka dib waxba u dhowrsaneyn,Dowladda dhexena ay ula dagaali doonaan sida Al-Shabaab oo kale.

”Faragalinta DF nagu heyso awgeed waxaan ka baqeynaa in sidii Mukhtaar Rooboow qoorta nala so qabto,Laakiin ha ogaato halkan ma ahan Meeshii ay Ciidan usoo diri lahayd,faragalinta hadaysan naga deyn sidii Al-shabaab ayaan ula dagaalameynaa,” ayuu yiri madaxweyne Xaaf.