DEG DEG: Xildhibaada Golaha shacabka oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Miisaaniyadda 2019-kaa

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod wada ogol ah ku ansixiyay miisaaniyadda dowladda 2019.

174 Xildhibaan ayaa ogolaaday, ma jiro Xildhibaan ka aamusay ama diiday ansixinta miisaaniyadda dowladda 2019.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ugu codeeyay labad sharci oo muhiim ah oo kala ah xeer hoosaadka golaha shacabka oo dib u eegis lagu sameeyay iyo  sharciga howlgabnimada,xaqsiinta iyo hibooyinka ciidanka Qalabka sida.