SAWIRRO: MD Farmaajo oo Madaxtooyada xog-wareystay carruutii uu dhalay Wariye Cawil Daahir Salaad

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xafiiskiisa waxaa ku booqday qaar ka mid ah carruurtii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariisteen Cawil Daahir Salaad oo ka mid ah wariyeyaasha Soomaaliyeed.

“Waxaa maanta isoo booqday qaar ka mid ah caruurtii uu ka geeriyooday walaalkeen Cawil Daahir Salaad oo ahaa nin waddani ah, dalkiisa iyo dadkiisa jecel, hal abuur leh, dowlad-dhisidda Soomaaliyana kaalin muuqata ka geystay,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale,Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay iney muhiim tahay in la maamuuso dadka waxtarka u leh Bulshada sida Cawil oo kale lana sii xoojiyo aragtidii wanaagsaneyd ay xambaarsanaayeen.

“Dadka waxtarka u leh bulshada sida Cawil oo kale waxay naga mudanyihiin in la maamuuso oo aragtiyadii wanaagsanaa ee ay xambaarsanaayeena lasii xoojiyo,argagixisada dilaysa haldoorka ummadda Soomaaliyeed waa inaan u midownaa oo aan meel uga soo wada jeesannaa,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.