MD Farmaajo & Kheyre oo wafdi u diray deegaanada ay colaad beeleedyada ka taagan yihiin

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Maxamed Cabdi Sabriye iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira labada Gole ee Dowladda Soomaaliya ayaa u ambabaxay degmada Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud,halkaas oo ay ku dagaalameen beelo walaalo ah.

Wafdiga uu wasiirka hoggaaminayo ayaa ku hormaraya degmada Cadaado,iyagoona uga sii gudbayo deegaanka Kaxandhaale si ay u qeyb kaga qaataan joojinta colaadda halkaas ka taagan.

“ Arrinta galabta aan u socono waa colaadii ka dhacday dhinaca Gelinsoor,gaar ahaan ka dhacday agagaarka meesha la yiraahdo Kaxandhaale,soo noqodkeenna waxaan geli doonaa oo aan xal ka raadin doonaa labada beelood ee ku diriraya xuduudka Hiiraan iyo Galgaduud oo ciidanka Qaranka loo diray rajo weyna aan ka qabo iney kala dhex galaan labadaasi ciidan,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha oo warbaahinta la hadlay ka hor inta aysan wafdiga garoonka ka ambabixin.

Sidoo kale,Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Sabriye ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya gacan ka geysaneyso sidii dadka ku dhaawacmay dagaalka dhexmaray beelaha walaalaha ah u heli lahaayeen daryeel caafimaad lana soo qaadi doono.

Waxa uu ugu baaqay odayaasha dhinacyada ku diriraya deegaankaas in ay la shaqeeyaan ciidanka xoogga dalka ee gaaray si ay ugu fududaato joojinta dhiiga daadanaya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xil iska saaray nabadeynta beelaha colaada ku dhexmareyso deegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle.