Laamaha amaanka DF oo xabsiga dhigay dad xiriir Garsoor la sameeyay Al-Shabaab

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in Hay’adaha amaanka ee dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen dad u dacwooday Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay in dadka marka looga guuleysto xukunnada ay ridaan Maxkamadaha Dowladda Soomaaliya ay kuwii laga guuleystay u dacwoodaan Al-shabaab.

Baashe ayaa sheegay in todonaadkii la soo dhaafay saddex qof loo xiray arrintaas isaga oo ka digay in loo dacwad tago Maxkamadaha Al-shabaab.

Guddoomiye Baashe ayaa sheegay in inta badan Dacwadaha ay qabtaan ee uu muranka ugu badan ka dhasho ay ka midyihiin Dhulalka isaga oo dadka uga digay in xukunka Maxkamadda sare kaddib ay meelo kale xukun u raadsadaan. “Waxaa jira dad aan ognahay oo maxkamaddaha ay dacwado ka yaalaan, oo dacwadahaasi looga guuleystay oo Documentiyada ay sitaan been ay yihiin, dabadeedna si ay cadaaladda u hor istaagaan u taga cadowga dalka, markaa waxaan doonaynaa in aan Shacabka u sheegno in aanan u dulqaadaneyn iyadoo Garsoor Cadaalad ah dalka laga heli karo in cadowga u tagaan.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka.