LA YAAB: Farxiya Kabayare oo awood ku joojisay Bandhigii Fanaan Xasan Gantaal ee Muqdisho

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Fanaanada Caan baxday ee Farxiyo Kaba yare ay Masuuliyiinta Dowlada ka tirsan u adeegsatay inay joojiso Showgii uu qaban rabay Fanaanka Xasan Gantaal.

Farxiyo Kaba yare ayaa magaalada Muqdisho soo gaartay Dhowr maalin hore iyadoo sheegtay inay Show ku qabaneyso Sanadka cusub, waxaa ka daba yimid Magaalada Fanaanka Xasan Gantaal oo dad badan ay isla dhex marayaan inuu dagaal kala dhaxeeyo.

Xasan Gantaal oo adeegsanaya Dhalinyaro badan oo Muqdisho kusoo dhaweysay ayaa Shacabka Showgiisa jecel wuxuu u balamiyay Habeen ka hor Showga Farxiyo Kaba yare, isagoo ka dhici lahaa isla Hotelka Sahal oo ay qabsatay 31-bisha habeenka sanadka cusub Fanaanada Kaba yare.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa socday Dagaal faneedka labada Fanaan u dhaxeeya, Fanaanada Farxiyo Kaba yare ayaa Masuuliyiin ay isku beel yihiin oo Dowlada ku jirta u gudbisay dacwad ka dhan ah Xasan Gantaal, iyadoona sheegtay inuu doonayo inuu qalqal galiyo Showgeeda sanadka cusub.

Masuulliyiintan ku guuleystay inay hakiyaan Showga Xasan oo loo bedelay Sedexda Bisha iyadoo Fanaanka uu taageerayaashiis iibsaday Tikidyada uu wargeliyay in Showga uu dhici doono

“Taageerayaasheyda Sharafta leh waxaan u sheegayaa in Showgeygii dib u dhacay uu ka dhici doono isla halkii uu dib kaga dhacay ee Sahal Hotel, dadka Tikidka iibsaday yeysan is walwalin taariikh Sedex ayay ku gali doonaan isla Tikidka ay iibsadeen”.ayuu yiri Xasan Gantaal.

Xasan Gantaal ayaa markii uu ka hadlay Showgiisa baaqday xusay in Qabyaalada la joojiyo taasoo muujineysa in awood Qabiil loo adeegsaday

“Showga wuxuu u baaqday cilado farsamo, Dhalinyarada waxaan ugu baaqayaa Qabyaalada waa qurun hala iska daayo, Banaanka ka ahow Qabyaalad Qaranimo ayaa na deeqda”.ayuu yiri Gantaal.

Si kastaba ha ahaatee Fanaanada Farxiyo Kaba yare ayaa hada laga yaabaa in Tikidyo badan ay u gadmaan maadaama markii hore uu ciriiri galiyay Fanaanka Gantaal oo in ka badan Shan Boqol oo Tikid ay gadantay halka Kaba yare aysan xitaa Boqol Tikid u gadmin sida ay inoo sheegeen Ilo wareedyo Labada dhinac ah.