Gacan ku dhiigle Sheikh caan ah dilay oo saakay xukun dil ah lagu fuliyay

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa saakay magaalada Baydhabo ka fulisay xukun dil ah,kaasoo lagu fuliyay mid kamid ah dagaalyahanada Shabaab, oo horaan dil toogasho maxkamad ugu xukuntay.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka Fagaaraha Maanyo fuulka Baydhabo ku toogatay nin lagu eedeeyay inuu Masjid Baydhabo ku yaallo horay ugu dilay Sh Madeer Madgaab Caliyow 15-6-2017-kii.

Ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Aadan Cali Barrow ayaa bartamihii bishii June ee sanadkii hore Masaajidkan oo ku yaala xaafadda Towfiiq ku dilay Sheekh Maxamed Deyr, oo si weyn looga garanaayay Magaalada Baydhabo.

Goobta dilka toogashada uu ka dhacay, waxaa joogay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida & Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida.