Ammaanka Garowe oo la adkeeyay & Kontaroolada laga soo galo oo la xiray

Amniga magaalada Garowe ee caasimada maamulka Puntland ayaa si wayn loo adkeeyay kahor doorashada Madaxwaynaha ee dowlad goboleedkaan oo loo balansan yahay 8-da bisha Janaayo 2019.

Ciidamo horleh ayaa lagu soo daabay wadooyinka waawayn ee xarunta gobolka Nugaal, kuwaasi oo xaqiijinaya inaanu dhici falal lidi ku ah nabad-gelyada inta ay socoto isku diyaarinta doorashada.

Olalaha doorashada ayaa si aad ah looga dareemayaan magaalada, iyadda oo wadooyinka lagu xar-dhay xayeysiino ay sameysteen Musharaxiinta oo tiradoodu kor-udhaafeyso 40 Musharax.