Al-Shabaab oo Qarxiyay Ceelbiyood ku yaalo Ceel-muluq,Sh/dhexe

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal gelinkii danbe ee Khamiistii ka dhacay deegaano hoostaga Degmada cadale ee gobolka Sh.Dhexe.

Dagaalka, waxa uu u dhexeeyay Maleeshiyaad kala taanacsan Macwiisleyda iyo Shabaab, iyadoo uu ka dhashay kahsaare isugu jira dhimahso iyo dhaawac, sidoo kale waxaa jira khasaare soo gaaray Shacabka lau dul dagaalamay.

Dadka deegaanka, ayaa inoo xaqiiiyay in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dhowr jeer la isku soo nonoqday.

Axmed Dhageey Xuurshow oo kamid ah dadka hogaaminaya Macwiisleyda, ayaa warbaahinta u sheegay in dagaaladii u danbeeyay ay Shabaab uga dileen 8 dagaalame,

dhankooda ayuu sheegay in kahsaaraha soo gaaray uu koobanyahay oo laga dilay laba askari.

Shabaab oo qabsaday deegaanka Ceel Muluq, ayaa dab qabadsiiyay guryo ku yaala deeganaka, iyagoo qarxiyay Ceelkii kaliya e eku yiilay deegaanka.

Halka ugu dhow ee dadka deegaanka ay haatan biyo ka heli karaan, ayaa ah meel Ceel Muluq u jirta 40KM, taasoo ciriiri gelineysa Nolosha dadka.