Al-Shabaab oo bililiqo & Afduub ka geystay degmada Cadale ee Gobolka Sh/dhexe

Waxaa sidoo kale degaankaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay maleeshiyaadka Hubeysan ee Macawisleyda iyo dagaalyahanada Al-Shabaab, waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Axmed Dhagay Xuurshow oo ka mid ah Macawislayda ayaa sheegay in Shabaab ay gubeen Guryo badan oo ku yaalla degaanka ka dib markii ay shalay la wareegeen Saacado Kooban.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in labadda dhinac Khasaare baahsan uu kasoo gaaray dagaalka.