Dagaal Al-Shabaab & Shacab is abaabulay ku dhexmaray Sh/dhexe iyo Tuulooyin la gubay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab iyo shacabka ku dhexmaray deegaano ka tiran Gobolka Shabeellaha dhexe.

Dagaalka ayaa wuxuu ka dhacay deegaano hoostaga degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Ceel-Muluq oo hoostaga degmada Cadale,waxaana dad ku sugan halkaasi ay sheegeen in Shabaab ay deeganka weerar kusoo qaadeen.

Mid ka mid ah dadka tuulada Ceel-Muluq ayaa sheegay in dagaalka uu yimid kadib markii Koox ka tirsan macaawusleyda dagaalka kula jirtay ay deegaanka soo gaareen,waxaana uu intaasi hadalkiisa ku daray in Shabaab Guryo ku yaalla tuulada ay gubeen.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka,waxaana saakay tuulada Ceel-Muluq ee Gobolka Shabeellaha Dhexe laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah,waxaana dadka qaarkood ay bilaabeen inay barakacaan.

Bilihii la soo dhaafay waxaa deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ka taagnaa xiisad dagaal oo u dhaxeysay Al-Shabaab iyo koox la Magac baxday macaawisley oo ay dhowr mar wada dagaalameen.