Waa kuma Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Maaliyadda Golaha shacabka?

Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo dib u habeyn lagu sameyay ayaa kullan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya,waxaana kullanka lagu doortay Guddoomiyaha cusub ee Guddiga.

Kulankan ayaa waxaa Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda iyo Qorsheynta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya loogu doortay in uu noqdo Xildhibaan Maxamuud Siraaji.

Sidoo kale xubnaha ku jira Guddiga Maaliyada Golaha Shacabka ayaa Guddoomiye kuxigeen u doortay Xildhibaan Aamino Sheekh Cusmaan,waxaana sidoo kale Xoghaye loo doortay in uu noqdo Xildhibaan Aadan Cali Xasan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa uu isbadal ku sameeyay Guddiga Maaliyada Golaha Shacabka,iyad aoo meesha ay ka baxeen Guddoomiye kuxigeen iyo xoghaye,hayeeshee Galabta la doortay.