Madaxweyne Farmaajo oo Mareynkanka laga dacweynayo haddii uu xukunka ka tuuro Axmed Madoobe

Qaar ka mid ah Jaaliyadda Jubbaland ee ku sugan dalka Mareynkanka oo kullan isugu yimid ayaa madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre uga digay iney dhibaateeyaan Maamulka Jubbaland faragelina ku sameeyaan doorashada soo socota ee Jubbaland.

Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Jaaliyadda oo kullanka ka hadlay ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in la ilaaliyo wadajirka shacabka Jubbaland,islamarkaana la carqaladeyn Hanaanka Maamul ee Axmed Madoobe.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay iney bur burineyso Maamul Goboleedyada dalka,waxayna hadda usha dulsaaran tahay Axmed Madoobe madaxweynaha Jubbaland oo xiriir wanaagsan la lahayn Xukuumadda Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo oo heysta dhalashada Mareynkanka ayay ugu goodiyeen iney ka dacweyn doonaan Mareynkanka haddii uu dhibaato ka geysto deegaanada Jubbaland.

Hadalka Jaaliyadda ayaa u muuqda mid caro ka muuqata,islamarkaana heybta Axmed Madoobe tuseysa in markaan Kismaayo lagu wajahan oo Dowladda Federaalka ay dooneyso iney ka soo saarto shaqsi iyagu rabitaankooda ku shaqeynaya.