Ciidamada NISA oo gacanta ku dhigay Kooxo hubeysan oo cidi ka amar qaadan

Hawlgalkaas oo ahaa mid  qorshaysan ayaa waxaa siwadajir ah u fuliyeen Ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA  oo kaashanaya  kuwa booliska Dowlad goboleedka Galmudug.

Howgalka ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Godinlabe  ee Gobolka Galgaduud gaar ahaan isbitaalka guud ee deegaankaas oo maalmihii danbe  ay gacanta ku hayeen kooxo hubaysan  oo aan cidna ka amar qaadan.

Kooxaha  hubaysnaa ee gacanta ku hayay  isbitaalka dagmada godinlabe  ayaa intii uu howlgalka socda waxa ay sameeyeen iska caabin wallow markii dambe Gacanta lau dhigay raggaas.

Mid ka mid ah kooxdii hubeysneyd ayaa la sheegay in israsaaseyn dhacday uu ku dhaawacmay,kaa soo la geeyay Isbitaalka deegaanka Godinlabe si loogu daweeyo.

Gudoomiye kuxigiinka deegaanka  godinlabe  Cabdi Salaan Axmad Mire   oo la hadlay warbaahinta ayaa sharaxaad ka bixiyay  qaabkii uu u dhacay howlgalka.