Yuusuf Dabageed oo dagaal ku qabsaday duleedka Maxaas & rasaas xooggan oo ku socoto

Wararka naga soo gaarayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in deegaano ka tirsan Gobolkaasi uu ka bilowday dagaal u dhaxeeyo Labo maleeshiyo beeleed.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay deegaano duleedka ka ah degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan,waxaana dad halkaasi ku sugan ay Dalsan u sheegeen in dagaalka uu ahaa mid culus.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa lagu soo waramayaa in dagaalkii Maanta uu ka dhashay,waxaana xusid mudan in deegaanada lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf axmed Hagar iyo Saraakiisha Ciidamada xooga dalka.

Mas’uuliyiintaas ayaa deegaanadaas u tegay sidii xal looga gaari lahaa dagaalka dhexmaraya labada beelood oo isku-heysta dhul halkaasi ku yaalla,hayeeshee ay ku guuleysan waayeen kadib markii markale uu Maanta dhacay.

Wararkii u dambeeyay ee haatan naga soo gaaraya deegaanada lagu dagaalamay ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,hayeeshee maleeshiyaadkii dagaalamay ay weli ishor-fadhiyaan.