Puntland oo musharaxiinta uga digtay iney Hub culus & Gaadiid dagaal la soo galaan Garowe

Olole xooggan oo ku aadan doorashada madaxweynaha Maamulka Puntland 2019-ka ayaa si aad ah looga dareemayaa magaalaa Garowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Musharaxiin aad u badan ayaa maalmihii u danbeeyay gaarayay Magaalada Garoowe,waxaana digniino ka soo baxaya Maamulka Puntland.

Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay soo dhaweynayan Musharaxiinta kala duwan ee soo gaaraya puntland ,isla markaana amnigooda uu maamulka puntland ay mas’uul ka yahay.

Wasiir dowlad ayaa tilmaamay in marnaba Puntland ogolaan doonin hub culus iyo Gaadiidka dagaalka oo fowdo iyo rabsahda abuuri kara in magalada lala soo galo,isaga oo uga digay musharixiinta.

Waxaa uu sidoo kale ka digay in ciidamada Puntland ay kasoo baxaan Furimaha dagaalka, islamarkaana ay soo galaan Magaalada Garowe.