Mas’uuliyiin ka tirsan QM oo laga saaray Baydhabo + SABABTA

Cabdicasiis Maxamed Lafta-gareen Madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka maamulkaasi kullan sagootin iyo soo dhaweyn isugu jiray kula yeeshay Madaxii hore ee UNSOM u fadhiyay Baydhabo iyo midka xafiiska kala wareegaya.

Vikram Parekh Madaxii hore ee UNSOM u fadhiyay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed uu lasoo shaqeeyay xili adag oo xasaasi ah, waxa uuna sheegay in uu ku faraxsanyahay in ugu dambeyn shaqdiisa ay usoo dhamaatay oo wakiil cusub loo soo magacaabay Baydhabo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta-gareen ayaa gabagabada kullankaasi sagootinta ah Mr Parekh gudoonsiiyay hadiyado isugu jiray waxyaabaha dhaqanka Soomaalida lagu yaqaano.

Kullankaasi ayaa sidoo kala waxaa goob joog ahaa Madaxa cusub ee UNSOM usoo magacaabeyn Magaalada Baydhabo in uu wakiil ugu ahaado Mr Aroud Laloum, waxa uuna u balan qaaday in uu si wanaagsan ula shaqeyn doono.