Ciidamada amniga oo Muqisho ku qabtay rag hubeysan

Ciidamada Booliska degmada  ayaa gacanta ku dhigay Rag hubaysan oo sida la sheegay dhac u gaysan jiray dadka shacabka ah ee ku nool Xaafadaha Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Ragga la soo qabtay oo watay Mooto Bajaaj, ayaa waxa ay ahaayeen laba ruux oo sida la sheegay watay Bistoolado, kuwaasi oo la dagaalamay ciidamada Booliska intii lagu guda jiray hawlgalka lagu soo qabanaayay.

Saraakiisha Booliska Degmadaasi ayaa xaqiijiyay in xaafad ka mid ah Degmada Kaaraan, laga soo qabtay ragga hubaysan xilli ay isku dayayeen inay ka baxsadaan Booliska.

Dadka shacabka ah ee ku nool Degmada Yaaqshiid ayaa maalmihii dambe dareemaayay xaalad amnidaro, kadib burcadda dhaca u gaysanayasa shacabka oo taleefoonada ka qaadata.