Al-Shabaab oo Cunaqabateyn saaray Shacabka Marka

Saneter Axmed Macalin Cumar (Axmed Nadiir) oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyay xaalada xiligan ka jirta Magaalada Marka ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Waxaa uu sheegay Xildhibaanka in Wadooyinka Soo gala Magaalada Marka ay Go’doomiyeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, taasi ayuu sheegay in dhibaato badan ay ku qabaan dadka shacabka ee ku dhaqan Magaaladaasi.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxaa uu shaaca ka qaaday in xaalad adag oo dhanka Noloshada ay  haysato Shacabka ku nool Magaaladaasi.

Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa uu ugu baaqay in ay si deg deg ah Go’doonka ugu dulqaadaan Shacabka Ku dhaqanka Magaalada Marka ee Gobalka Shabeelah Hoose.

Magaalada Marka ayaa dhawaan waxaa la wareegeen ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya, iyadoona halkaasi ay ka saareen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.