AKHRISO: Villa Soomaaliya oo loo Qishay sida ugu fudud ay ugu adkaan karto Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa loogu baaqay in ay qaado weeraro ka dhan ah Xarakaddda Al-shabaab oo wali ku xoogan Gobolo kamid ah Koonfurta dalka Soomaaliya.

Isxaaq Shiikh Mursal Axmed oo ah Qabiir dhanka amniga oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in muhiim ay tahay in Dowladda Dhexe ay qaado dagaal ka dhan ah Shabaab,si Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay ula wareegaan guud ahaan amaanka ka hor bixitaanta Ciidamadda AMISOM.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay yaraanayaan weeraradda dagaalyahanadda Shabaab ay kusoo qaadaan Magaalooyinka xuduudka la leh Muqdisho, iyo qaraxyadda ay ka geystaan Caasimadda dalka.

Hadalka Isxaaq Shiikh Mursal Axmed oo ah Qabiir dhanka amniga ayaa imaanaya xili Dowladda ay hoos u dhigtay weeraradii ay ku qaadi jirtay dagaalyahanada Al-shabaab,taasi badalkeeda shabaab ayaa kordhiyay weeraradda qaraxyaddda iyo dilalka ay ka geystaan Magaaladda Muqdisho.