Xildhibaan shaaciyay xeelad cusub oo Al-Shabaab looga adkaan karo (Wax badan ka Ogow)

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay qaraxyadda mudooyinkii dambe kusoo batay Muqdisho oo ay geysanayaan Al-shabaab.

Jeesow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Shabaab ay dadka ku dhex dhuuntaan,islamarkaana Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya aysan ogaan karin cida Shabaabka ah iyo cida aan aheyn.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kontoroolka ay ku sugan yihiin Ciidamadda Dowladda ay waqti walba maraan ragga ka tirsan Shabaab, balse aan la ogaan karin shabaabka halkaas maraya.

“Sida ay ku badbaadi karaan shacabka ayaa ah, Kii Ganacsade ah, kii  guri leh, kan karaashka leh, kan wadada maraya in ay soo sheegaan ragga shabaab ka tirsan,Shabaab dadka ayay ku dhex jiraan, Kontorooladda ayay maraan, si ay usii jirto dowladdnimadda Soomaaliya, waa in hal meel loogu soo wada jeestaan ragga ka Tirsan Shabaab”, ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Hadalka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa imaanaya xili todobaadkaan laba qarax ay ka dhaceen Xarunta Tiyaatarka, iyo Taaladda Daljirka Dahsoon ee Magaaladda Muqisho,waxana ku dhintay 23-qof oo shacab iyo Ciidamo isugu jirey.