FAAH FAAHIN: Kumuu Ahaa Sheekh Maxamad Cabdi Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho?+(SAWIRRO)

Kooxo hubeysnaa ayaa Saakay Magaaladda Muqdisho waxa ay ku dileen Xubin katirsanaa Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya.

Dilkaan ayaa ka dhacay  Xaafada Haanta-dheer  degmada  Dayniile ee Magaalada Muqdisho, waxaana fuliyay kooxo bastooladdo ku hubeysnaa, oo markii dambe goobtaasi iska kaga baxsaday.

Sheekh Nuur Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay dilka Marxuumka, isagoo tacsi u diray eheladiisa & dhamaan Shaqaalihii kale ee dowlada isla shaqeyn jireen.

Dhanka kale Ustaad Oongooye ayaa katirsanaa macaliminta Jaamacada Daha ee Magaalada Muqdisho, waxaana lagu magacaabi jiray Sheekh Maxamad Cabdi oo loo yaqaanay  (oongooye).

Wali majirto cid sheegatay Mas’uuliyada toogashada macalin oongooye oo katirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamo katirsan dowladda oo goobta gaaray, dilka kadib in ay gacanta ku dhigeen tiro dhalinyaro ah oo lala xiriirnayo iney wax kala socdeen dilka (oongooye).

lala xiriirnayo iney wax kala socdeen dilka (oongooye).