Dadaalo lagu sii deynayo Mukhtaar Roobow oo Muqdisho ka socda (Yaa ku lug leh?)

Warar soo baxaya ayaa sheegaya iney socdaan dadaalo kala duwan oo lagu doonayo in lagu sii daayo Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo 13kii bishan laga soo xiray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah Maamulka Koonfur Galbeed.

Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kasoo jeedda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Muqdisho ka bilaabay dadaallo kala duwan oo la doonaayo in lagu sii daayo Wadaadka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Roobow ayaa ku xiran Magaalada Muqdisho, waxaana soo xiray dowladda dhexe ee Soomaaliya ka dib markii uu Baydhabo ka bilaabay Olole ku aadan Musharaxnimadiisa xilka Madaxtinimada Koonfur Galbeed.

Abuu Mansuur ayaa hadda ku xiran Muqdisho, waxaana soo xiristiisa ka dhashay Banaanbaxyo ay ku dhinten dad badan,kuwaasoo ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa xariga Mukhtaar Roobow ku micneysay inuu ka soo bixi waayay shuruudihii lala galay markii uu isa soo dhiibay, sidaas awgeedna aan la aamini karin.