Ciidanka DF oo ku baxay dagaal beeleed ka dhacay Gobolka Sh/dhexe

ilaa saddex ruux ayaa ku Geeriyootay, tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen, kadib dagaal Beeleed shalay gelinkii dambe ka qarxay deegaanka Buku Rarka Dhiiqaaley oo u dhexeeya deegaanada Gololey iyo Cadayga oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalkan oo xalay soo gaaray ayaa dadka dhintay waxaa ku jira Wiil yar, wuxuuna  ka dhashay muran la xariira arrimo ku saabsan deegaameysi iyo aanooyin horay u soo jiray.

Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa saaka ku baxay colaadaasi, si ay u kala dhexgalaan Maleeshiyaadkaasi, waxaana weli muuqata in halkaasi ay ka jirto xiisad xoogan.

Deegaanada lagu dirirayo oo ah dhul Beereed baaxad leh ayaa in muddo ah waxaa ka jiray khilaaf u dhexeeyay Beelahaasi walaalaha ah ee wada daga halkaasi.