Wararkii ugu danbeeyay Xiisad dagaal oo ka taagan Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Maxaas ee Gobolkaasi ayaa sheegaya in wali halkaasi ay ka taagan Xiisad dagaal oo u dhaxeyso labo maleeshiyo Beeleed.

Maleeshiyaadka ayaa dagaallamay labadii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaana wali ay waddaan Abaabul dagaal xilli maamulka Hirshabeelle uu ku guuldareystay in uu kala qaado Kooxaha dagaallamaya.

Dagaalkii ugu dambeeyay waxaa ku dhintay ku dhawaad 20 ruux , waxaana uu salka ku haya aano qabiil.

Maleeshiyaadka ayaa ku dagaallamayay maalmihii lasoo dhaafay degaanada hoos yimaada degmada Maxaas, waxaana xusid mudan in horay halkaasi uu kaga dhacay dagaal ay ku dhinteen dad badan.