Al-Shabaab iyo Daacish oo ku dagaalamay Gobolka Gedo

Wararka naga soo gaaraya degaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in xalay dagaal u dhaxeeyay Shabaab iyo Daacish uu ka dhacay degaanada hoos yimaadda degaankaasi.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen xubno ka mid ah Ururka Daacish.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in arintaan ay timid ka dib markii dhowr xubnood oo ka mid ahaa Daacish ay isku dhiibeen Shabaabka ku sugan gobolka Gedo.

Dagaalkii xalay waxaa ka dhashay Khasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac,laakiin si rasmi looma xaqiijin karo tirada rasmiga ah.

Al-Shabaab ayaa dhawaan ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Daacishta ku sugan Gudaha Soomaaliya.