Waa sidee Xaaladda Caafimaad ee Xildhibaan Warsame Joodax?

Xildhibaan Warsame Joodax ayaa ka mid ahaa dadkii maanta ku dhaawacmay Qaraxyadii ka kala dhacay xarunta Tiyaatarka Qaranka iyo waliba Daljirka Daahsoon.

Xildhibaan Warsame joodax oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhaawac fudud uu soo gaaray,balse ay ku dhinteen Qaraxa qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in xoogaa yar oo dhaawac ah uu soo gaaray,hayeeshee xaaladiisa ay tahay mid wanaagsan.

Horay ayaa waxaa sidoo kale dhaawac fudud uu uga soo gaaray qarixii ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax.