Sidee ayuu C/raxmaan C/shakuur Warsame kaga hadlay Qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho?

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Abdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa cambaareeyay Qaraxyadii dadka badan ay ku dhinteen ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in weerarada lagu qaaday maanta masraxa iyo matxafka qaranka ay cadeyn u tahay sida ay aragagexisadu duulaan ugu tahay soo noolaynta xarumaha hidaha, dhaqanka iyo suugaanta

Qoraalka uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa sidan u qornaa:-

“Waxaan canbaaraynayaa weerarada aragagexiso ee maanta lagu qaaday masraxa iyo matxafka qaranka. Tani waxay cadayn u tahay sida ay aragagexisadu duulaan ugu tahay soo noolaynta xarumaha hidaha, dhaqanka iyo suugaanta. Allaha u naxariisto intii ku dhimatay, Allaha caafimaad degdeg ah siiyo intii ku dhaawacantay. ,{“idX�[�:�