SAWIRRO: Guddoomiye Tuula oo ku dhaawacmay Qarax gaari oo ka kacay agagaarka Daljirka Daahsoon

Khasaaro ayaa ka dhashay qarixii labaad ee ka dhacay agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere,wax yar kadib markii uu qarax ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka.

Qaraxa ayaa ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,kaas oo la sheegay in qarixii hore markii uu dhacay halkaasi la dhigay.

Wararka qaarkood aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa labaad ee ka dhacay agagaarka Taalada Daljirka uu ku dhaawacmay Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi tuulax ayaa watay Gaari kale oo Hilux ah,hayeeshee Gaariga Cabdi Bilaha ay ay saarnaayeen ilaaladiisa.

Ilo ku dhow dhow Guddoomiye Tuulax ayaa  waxay sheegeen in qaraxa uu ka soo gaaray dhaawac aad u fudud,hayeeshee inta badan Ilaaladii saarneyd gaariga uu watay ay geeriyoodeen.