DEG DEG: 5-Gawaari oo ay ku raran yihiin Qaraxyo oo ku jira Muqdisho & digniin laga soo saaray

Xaaladda magaalada Muqdisho maanta qasan waxaana qof kasta wuxuu dareemayaa dareen cabsi ah,iyadoo la bixinayo digniinaha gaadiidyo Qaraxyo oo ku jira magaalada.

Labo Gawaari caasi ah Oo Laso Dhigay Aaga Daljirka ayaa Ciidanka Amaanka Ka Shakiyeen In ay Qaraxyo sidaan Manalaha Wax Taargo Ah.

Ciidamada ammaanka ayaa isku gadaamay goobta ay yaalaan gaadiidkan,waxaana dadka loo diiday iney wadadaasi adeegsadaan,waxaana la xiray dhammaan goobaha ganacsi ee goobta ku yaalo.

Sidoo kale,Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu wargeliyay in shan gawaari oo looga shakisan yahay iney ku raran yihiin Qaraxyo ay ku jiraan magaalada Muqdisho.

Labo Qarax oo loo adeegsaday Gaadiid ayaa maanta ka kala dhacay daljirka Daahsoon iyo Tiyaatarka Qaranka.