Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay Maskaxdii ka danbeysay Qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho

Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ayaa ka hadashay qaraxyadii maanta ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in Ciidmadda amniga oo kaashanaya Shacabka Muqdisho ay gacanta ku dhigeen madaxii howlgalkii qaraxyada ee maanta ka dhacay Muqdisho iyo qof waday gaariga 2aad ee ku Qarxay Taaladda Dajirka Dahsoon Degmadda Boondheere.