Wafdi isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka socda DF oo gaaray Baydhabo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta wafdi isugu jira wasiiro iyo Xildhibano udirtay Magalada Baydhabo,kuwaas oo korjoogto ka noqonaya doorashada la filayoin ay ka dhacdo Magalada Baydhabo.

Wafdigaayaa waxaa horkacaya Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye,waxana ay qeyb ka noqonayaan korjoogtada ka qeybgaleysa doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Marka laga soo tago Wafdiga ka socda Dowladda Federaalka weli lama sheegin in wafdika socda Beesha Caalamka ay ka qeyb galayaan doorashada sida ay hoay korjoogtouga noqon jireen doorashooyinka dalka ka dhacay.

Dadbadan oo Siyaasada la socda ayaa aaminsan in doorashada Maanta ka dhaceysa Baydhabo uu kusoo bixi doono musharax ay wadato dowladda Federaalka Soomaaliyaoo lagu Magacaabo Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen).